Maxamed mursal sheekh wasiirka gaashaandhiga xukuumada fedraalka soomaaliya ayaa shaaciyey in beesha caalamka ay hor dhigeen qorshihii ku aadan in ciidamada dowlada si buuxda loogu wareejiyo guud ahaan Amaanka dalka
Wasiirka Maxamed ayaa xaqiijiyey in arintaasi beesha caalamka uu ajiibay isla markaana dhawaan ciidamada dowlada ay la wareegi doonaan xukunka guud ahaan gayiga soomaaliya oo ay hada maamulaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee AMIOSM
Qorshahan ayaa in muddo ah soo jiitamayey,waxana si gaar ah loogu gorfeeyey kulan uu shir gudoominayey raysul wasaare kheyre kaasoo Maalintii Shalay ahayd lala qaatay xubno ka socday beesha caalamka