BREAKING NEWS

Senator Ilyas Cali Hassan oo la Yaab ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Jawaari & Eedeynta loo cuskaday

Senator Ilyas Cali Hassan oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare oo ka hadlay mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu xaqiiqsaday inaan Soomaaliya looga baahneyn qof wadani ah oo dalka u adeega.

Qoraal uu bartiisa Facebooka uu soo dhigay ayuu ku Yiri:-

Maalmahaanba waxaa maqleyney in Jawarey mooshin laga wado laakiin aniga marna ma rumeysan waayo maba aqoon qofka Jawaari mooshin kaqoraayo waxa uu u cuskanaayo eedeysntiisa.

Laakiin saakey markaan soo toosey oo aan Idaacadaha ka arkey layaab ayey igu noqotey waxaan xaqiiqsadey Somalia in aan looga baahneen qof Wadani ah oo dalka u adeega! Mise tolow Xildhibaanada sxbdey waxay u xiiseen hab dhaqankii Baarlamaankii 8aad iyo 7aad?

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top