BREAKING NEWS

Booliska Kenya oo soo bandhigay rag la sheegay in ay Nairobi weerar ka geysan rabeen iyo hub.

Taliska ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa warbahinta waxaa ay magaalada Nairobi ugu soo bandhigeen hub iyo ragi watay oo ay sheegeen in ay damacsanaayeen weerar laga geysto Caasimada Kenya.

Taliyaha ciidanka Booliska kenya Joseph Boinne ayaa ugu horeyn sheegay in ay hubka iyo walxo qarxa ay ku soo qabteen howlgal ay ciidamada amaanka Kenya ka sameeyeen magaalada Mairobi.

waxaa uu intaas ku daray in ragga watay hubka laga soo kala qabtay magaalooyinka Merti iyo Nairobi , kuwa laga qabtay Nairobi na ay ku sugnaayeen Hotel.

Taliyaha Booliska mar uu faah faahinayay hubka ay soo qabteen ayuu sheegay in ay ku jiraan 80-Kg oo ah maadada qaraxda ee TNT loo yaqaano taas oo uu tilmaamay hadii ay Shabaab ka ku qarxi lahaayeen Nairobi ay galaafan lahayd boqolaal shacab ah , sidoo kale na uu bur burin lahaa dhismooyin badan iyo dhul.

Joseph Boinne ayaa carabka ku dhuftay in ragga waday qorshaha weerarka ee laga geysan lahaa Nairobi ay yihiin Al-shabaab isagoo intaa raaciyay in ay heegan buuxa ugu jiraan kahortagg weerarada Al-shabaab qorsheynayaan in laga fuliyo gudaha dalka Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top