BREAKING NEWS

C/shakuur “Taliyaha Sirdoonka Ayaa Baajiyay muxaadaro aan Ku Lahaa Hotel Saxafi” & Arinka oo Loo Dhigay Amaanka Muqdisho

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa sheegay in Taliyaha NISA uu caawa joojiyay Muxaadaro uu ku qaban lahaa Hoteelka Saxafi ee magaaladda Muqdisho.

Muxaadaradda ayaa ku saabsaneyd loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo.

”Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas.

Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas.

Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka.”

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top