Madaxweynaha maamulka hirshabelle Maxamed cabdi waare ayaa maanta magaalada jowhar Ku dhagax dhigay dugsi ay Ku tababartaan ciidamada booliska maamulkaasi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhagax dhiga waxaa madaxweyne waare kala qeyb qaatay wafdi ka socday midawga yurub oo maamulka ka taageeraya dhismaha dugsigaasi.
Dhismaha dugsigan ciidan oo maanta bilawday ayaa LA filayaa sida uu sheegay madaxweyne waare in bartamaha April uu tababar uga furmo dufcadii ugu horeysay ee boolis ah,waxana madaxweynaha uu sheegay in dugsigan uu kaalin weyn ka qaadan doono soo saarista ciidanka tayo leh oo xaqiijiya amaanka deegaanada hirshabelle.
Madaxweyne waare ayaa intii uu xilka hayey dhagax dhigay dhowr mashaariic oo laga hirgaliyey deegaanada hirshabelle.