BREAKING NEWS

Deg-Deg-Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Ciidanka caawa la wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Wasaarada Amniga Gudaha xukumada Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo Goordhow wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

kusimaha wasiirka Amniga ahna wasiiru dowlaha wasaarada Xasan Macalin Xuseen iyo Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa arintaasi been abuur ku tilmaamay.

Labada masuul ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin ciidamo katirsan kuwa booliska islamarkaasina sugaya amniga Baarlamaanka.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in amarka lagu sugayo Baarlamaanka uu kasoo baxay Wasaaradda Amniga islamarkaasna sare loo qaadayo amniga Baarlamaanka maadaama uu furmay Kalfadhiga 3-aad ee Gollaha..

“Majirto barlaman la qabsaday waa waxba kama jiraan, ciidamo boolisa oo amniga xoojiya ayaa la geyay Xarunta Barlamanka Somaaliya” ayuu yiri wasiiru dowladaha

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in taliska amniga aanay quseeynin siyaasadaha kala duwan ee dalka hayeeshee iyaga ay waajib ka saarantahay sugida amniga masuuliyiinta iyo xarumaha dowlada.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top