BREAKING NEWS

Maxkamad ku taal Magaalada Hargeysa oo Xukun Xabsi ah ku riday nin kufsaday gabar lix sano Jir ah.

Maxkmada ku taala magaalada Hargeysa ayaa xukun sagaal sano ah ku ridey nin lagu helay inuu kufsaday gabar yar oo lix jir ah.

Maxkamada ayaa sheegtay in ninkaasi lagu helay dambiga kufsiga ah kadibna xukunka ku riday Maxkamada, Xeer ilaalinta Gobolka Waqooyi Galbeed iyo ciidamada Booliiska ayaa dacwada kusoo oogay.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Garyaqaan Dalmar ayaa sheegay in sagaalka sano ay bilaa iib yihiin, Gudoomiyuhu waxaa sidoo kale uu sheegay in kiiskani uu muddo laba bilood ah uu soo socday, islamarkaana ay soo gabagabeeyeen shalay oo Khamiis ah.

Ninka kufsiga geystay ayaa laga soo qabtay magaalada Hargeysa 14 bishii January ee sanadkan, Waxaa ciidamada Booliisku ay soo qabteen kadib markii hooyada dhashey gabadha yar ay soo dacweysay.

“Ciqaab adag oo dhinaca sharciga ah ayay mudan doonaan raga ku kaca kufsiga” ayuu yidhi Guddomiye Dalmar oo u waramayay wariyaasha Hargeysa.

Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay in kiisaska kufsiga ee caruurtu ay kusoo badanayaa Gobolka Waqooyi Galbeed sanadihii u dambeeyay, wuxuu shacabka uga digay inay falalkaasi sameeyaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top