BREAKING NEWS

MD Donald Trump oo Curadkii iyo xaaskiisa oo Isku dhacay iyo Furriin ay Ka Dalbatay Maxkamadda

Donald Trump Jr. (39-jir) oo ah curadka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Vanessa Trump (40-jir) ayay wararku sheegayaan in ay isku dheceen islamarkaana ay Vanessa ka dalbatay maxkamadda sare ee magaalada New York furriin.

Waxa ay is qabeen muddo 12 sano ah, waxaana ay isu dhaleen 4 carruur ah. Waxa ay warka furriinkooda u sheegeen jariiradda caanka ah ee New York Post.

“12 sano ka dib waxaan ku heshiinay in aan kala tagno oo ninka dhankiisa u weecdo”, ayay ku qoreen jariiradda.

Donald Trump jr. iyo walaalkiis ka yar ee Eric ayaa waxaa ay isla maamulaan hantida aabohood oo iminka noqday madaxweynaha Mareykanka islamarkaana ka dallacay ganacsiga.

Aqalka cad ayaa ka qaabsaday warkan cusub ee furriinka, waxaana ay warbaahinta u sheegeen in ay arrinkaasi kala xiriiraan daladda Trump.

Ma cadda waxa ay isku qabteen ee sababay in ay ku heshiiyaan in ay kala tagaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top