Xildhibaanada aqalka Sare ayaa maanta kulankoodii deg deg ahaa waxaa ay gudi ugu saareen xalinta Khilaafka udhaxeeya Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada mooshinka ka wada.
Gudigan ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la kulmaan xildhibaanada Mooshinka wada & Gudoomiye Jawaari sida ay wararka sheegayaan.
Warar kale oo ay heshay Warbaahint ayaa sheegaya in Xildhibaanada aqalka sare ay dadaal ku bixinayaan in xildhibaanada lagu qanciyo iney dib u dhigaan mooshinka ka dhanka ah Jawaari.
Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho ayaa gaartay meel aad u xun kadib markii ay hadalo adag warbaahinta isku dhaafsadeen dhinacyada iska soo horjeeda.