BREAKING NEWS

Beesha Caalamka oo Go’aan adag ka qaadatay Khilaafka Somalia & Mooshinka Jawaari oo…

Dowladaha Beesha caalamka ayaa war qoraal oo ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin Xisadda Siyaasadeed ee ka dhex aloosan hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

War Saxaafadeedka oo kasoo baxay QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka ayaa loogu baaqay Madaxda sare ee dowladda in la xaliyo khilaafka jira.

Waxay ugu baaqeen hogaamiyaasha dalka iyo Siyaasiyiinta inay dhowraan sharciga iyo Dastuurka Federaalka ee KMG ah, islamarkaana wadahadal lagu dhameeyo xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday in Khilaafka soo cusboonaaday uu dhabar-jab ku noqonayo guulaha laga gaarey dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amaanka, sidoo kalena uu dhaawacayo sumcada Soomaaliya.

“Waxyaabaha sare u qaadi kara Xiisadaha siyaasaadeed ee taagan, islamarkaana horseedi kara qalalaase inuu dhaco waa in laga fogaadaa,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka waxay ku boorisay Gollaha Shacabka iyo Xukuumadda inay wadahadlaan maalmaha soo aadan, kuna dhameeyaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya qaab nabdoon oo Dastuurka waafaqsan.

Ugu dambeyn, qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay bogaadinayso Kooxaha iyo Shaqsiyaadka dhex-dhexaadinaya dhinacyada is-haya, ee khilaafka uu u dhaxeeyo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top