BREAKING NEWS

Labada Dowladdood ee Ruushka & Ingriiska oo Kala Cayriyay Diblomaasiyiintooda

Wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka eriday 23 diblomaasiyiin british ah, waxayna sidoo kale shaqada ka joojisay safaaradda dalka Britain ku leeyahay caasimadda Moscow.

Diblomaasiyiintan ayaa waxaa loo qabtay in ay isbuuc gudihiisa dalka uga baxaan, waxaana ay arrintani imaaneysaa xilli maalmo gudohood ay labo keer u yeertay dowladda Ruushka safiirka Britain u fadhiya magaalada Moscow Laurie Bristow.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay dowladda Britain dalkeeda ka eriday 23 diblomaasiyiin ruush ah kadib markii dowladda ruushka lagu eedeeyay in ay ka dambeyso weerarkii lagu sumeeyay basaas hore iyo gabadhiisa labo isbuuc ka hor.

Theresa May ayaa horay ugu sheegtay aqalka baarlamaanka in sunta Novitsjok ee lagu sumeeyay basaas Sergej Skripal lagu sameeyay dalka Ruushka xilligii Soviyeedka, waxayna sheegtay in ay hubaal tahay in Ruushku ka dambeeyo arrintaasi.

Axadii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii Sergej Skripal iyo gabar uu dhalay oo iyana lagu magacaabo Julia Skripal laga helay iyaga oo suuxsan suuq ku yaala Salisbury ee magaalada Birmingham, waxaana ay dhakhaatiirtu sheegeen in la sumeeyay.

Si kastaba, ma ahan markii ugu horreysay oo ruux ruushka kasoo goosta lagu sumeeyo amaba lagu dilo gudaha dalka Ingriiska, waxaana dhadadii ugu hadal haynta badneyd ay dhacday sannadkii 2006, xilligaas oo isna sun shaah loogu daray lagu dilay magaalada London basaas Aleksandr Litvinenko oo isna ruushka kasoo goostay.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in eysan lug ku laheyn sumeynta basaaska ee lagu eedeynayo, waxaana ay sheegeen in lagu dilayo oo kaliya magaca Ruushka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top