BREAKING NEWS

Reer Waqooyiga, Qatar Iyo Eedaynta Muuse Biixi

Madaxweynaha Jahmuuriyada iskeed Isu Magacday‘‘Somalialnd‘‘ Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qoraal loo soo dhiibay ka hor sheegay saxaafadda dalka Imaaraadka, qoraalkaas oo xanbaarsanaa eedaymo uu u soo jeediyey dawladda Qatar, isaga oo ku eedeeyey in ay ka danbaysay mawqifka dawladda Soomaaliya ka soo saartay dekadda Berbera.

Muuse waxaa hubaal ah in uu eedaymo mugwaaweyn u hayo dawladda Qatar, eedaymahaas oo ay ka mid yihiin.

1.In ay Qatar 3000 oo qoys oo ay Muuse Biixi isku qoys hoose yihiin muddo 50 sanno ka badan ku noolaayeen Qatar oo ay si sharaf karaamo leh uga shaqaysanayeen , ilaa iyo haddana ka shaqaystaan, meelo sarena ka gaadheen, ilaa maantana ku nool yihiin, ayna darajadoodu ka hoosayn tan Qatariyiinta, lana odhan karo Qatariyiinta shacabka ay aad isugu dhaw yihiin in ay yihiin Soomaalida oo ay karaameeyan, xaq dhawraan, dhamman toodna waxay u badan yihiin dadkii Qatar Ku nooladay Reer Waqooyi gaar ahaan Reer Burco Iyo Hargeysa.

2. Guryaha Burco iyo Hargeysa laga dhisay qayb ka mid ah in Qatar laga dhisay sida wadama khaliijka ee kaleba looga dhisay, si karaamo iyo sharaf ay ku dheehan markii looga soo shaqaystay Qatar.

3.Qatar maalin kaliya kalamay bakhaylin Soomaaliya Guud ahaan garab iyo walaaltinnimo, Qatar dhexdeeda Soomaali si Guracan loola dhaqmaana aanu jirin, in la xumeeya daaye in ay Soomaalidu intay falal danbiyeed ku kacaan haddana lagu ilaalin jiray dhibaatada ka jirta dalkoodii, oo ay xilli kasta u badnaayeen Reer Waqooyi Muuse iyo Bulshad kalena ay ogtahay.

4. Ilaa maanta ayey Reer Waqooyigu iyo Soomaaliba ka helaan Fursado qaaliya oo shaqo ka helaan, sida ay dalalka kale ee Khaliijka uga helaan, dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ahina maanta fursado u raadsadaan Qatar, Muuse Waxaa la durugtay loolanka siyaasadeed ee cadowgaaga cadowgiisu waa siibkaa, Muuse wuxuusan ogayn in Guryo badan oo Burco iyo Hargeysa ku yaalaa ay quutal yoomkooda ka helaan Doha Qatar, kana heli jireen muddo ka badan 50 sanno ilaa maanta si toos ah uga helaan, talaabada uu qaaday dawladda Federaalka ee Soomaaliya kuma kal qaybin, hasa yeeshee wuxuu ku kala qaybiyey Bulshada Hargeysa iyo Burco ku dhex nool oo laga yaabo in raadkeeda dhawaan la arko, marka ay iyaguna warbaahinta soo fadhistaan bulsho reer waqooyi ah oo ka soo jeeda Burco Iyo Hargeysa oo difaacaya aragtidooda ku wajahan arrimaha Muuse faraha la galay.

Imaaraadka in uu garab siiyo Muuse waa siyaasad u banaan oo la fahmi karo xilligan, hasa yeeshee waxaan la fahmi karin sababta uu Qatar uu u abbaaray iyada oo Qatar dad badan oo ay isku qoys yihiin Muuse Noloshaada kor u qaaday.

Waxaa la odhan karaa fursad ayaa halkaas ka banaan oo bulshada Reer Waqooyiga ah ee aanay aragtidani ma talin ku muujin karaan in uu fikirkaasi Muuse Biixi Iyo Wixii la feker ah ku eeg yahay, hasa yeeshee aanay reer Waqqoyigu la qabin.

Wariye Asad Cadaani Ibrahim

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top