BREAKING NEWS

Ciidamada Itoobiyaan Ah oo Lagu Laayay Degmada Luuq ee Gobalka Gedo

Qaraxa khasaaro xoogan gaystay oo ay ka dambaysay Xarakada alshabaab ayaa lala eegtay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka gedo.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Yurkud ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid miino oo ciidamada Itoobiya lala eegtay uuna ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Uuraal uu qaraxa qabsaday .

qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 5 askari sida uu noo sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadanay.

Ururka alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen askar badan oo ayna sheegin cadadooda.

Ciidamada itoobiya ayaa war ka soo saarin qaraxaas sida horay looga bartay markasta oo ay la kulmaan weerar noocaan oo kale ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top