BREAKING NEWS

Dowlada Imaaraadka & Itoobiya oo Iska Kaashanaya Bur-Burinta Dowlada Farmaajo & Hubkii Ugu Badnaa ee Laga Keenay Yeman oo Soo Gaadhay Al-shabaab

Ciimada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in hub ay kala soo dageen deegaanka Faax oo ka tirsan Gobolka Mudug, kuna dhaw Degmada Xarardheere.

Hubkaan ayaa la sheegay inay keeneen Doomo ka yimid dhanka dalka Yemen, islamarkaana deegaankaasi ku soo xirtay, iyadoo dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in gaadiidka dagaalka Shabaab hubka lagu aruuriyay.

Gaadiidka xamuul ah iyo kuwa cabdi bilayaasha Shabaab ay isticmaalaan, ayaa la sheegay in saanada Militari lagu qaaday, waxaana lala aaday dhanka Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale Doomo siday saanad Militari ayaa ku soo xirtay Dakaddaas, waxaana la aaminsan yahay in doomahan saanada Militari ay ka keeneen dalka Yemen oo Somaliya daris la’ah oo ayna hagayeen Ciidmada Imaaraadka ee ka dagaalama Yemen.

Ilo Muqaabaraad ah ayaa xaqiijiyay shalay illaa doraad gaadiidka kala duwan in dakadda deegaanka Faax ay ka aruurinayeen hubka Shabaab ay halkaasi kala soo dageen, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay arkayeen gaadiidka dagaalka iyo kuwa xamuulka oo Shabaab saanada Militari ay ku raranayeen.

Gaadiidka dagaalka Shabaab ee saanada Militari lagu soo qaaday ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere, waxayna sii mareen Degmada Jowle iyaga oo u sii gudbay dhanka Gobolka Galgaduud.

Dagaalkii lagu burburin lahaa ayaa ku bilowday dowladda uu hogaaminyo md Farmaajo oo isagu aan la hayn go’aan qaadasho culus oo ka dhan ah labadan dowlladdood ee qaska Soomaliya u heshiiyay uuna Sucuudigu dabada ka riixayo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top