BREAKING NEWS

dad gaaraya 2.7 milyan oo qof oo la sheegay in ay abaar ku heyso Gudaha Soomaaliya

Tan iyo Horaantii Sanadkaan 2018 ka waxaa soo kordheeysay Heerka Dadka Abaaruhu saameeyeen ay heli karaan Cunadda, waxaana lagu guuleeystay in qayb ahaan hoos loo dhigo Heerkii Macluusha ee laga digayay Sanadkii Tagay ee 2017 kii.

Laakiin sida ku xusan warbixinaddii u dambeeyay ee ay soo saareen heey’adaha Gargaarku waxay ku sheegeen in 2.7 Million oo ruux ay wali gar gaar u baahanyihiin, waxay heey’duhu sheegeen in lagama marmaan ay tahay in Dadaal lagaliyo yareeynta Dadka u baahan gargaarka, hadii kale waxay ka digayaan in ay soo muuqan karaan caalamaddo Macluul muujinaya.

Meelaha ugu waaweeyn ee ay ku Noolyihiin Dadka Gargaarka u baahan waxaa lagu sheegay Gobolada Bay, Hiraan, Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool, gobaladaas Dadka Kunool 30 illa 40 Boqolkiiba Cunno la’an Daran ayey Wajahaan sida lagu sheegay Warbixin lagu daabacay Website ka Arrimaha Gargaarka ee Relief web.

Warbixinta ay Heey’aduhu soo saareen waxay sidoo kale ku sheegeen in Tirada Dadka Abaaraha ka barakacaya ay hoos u dhacday.

Si looga Jawaabo Baahidda ay Qabaan 2.7 million oo Ruux Heey’adda Cunadda iyo beeraha ee FAO ayaa codsatay 236 Million oo Dollar Sanadkaan gudihiisa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top