BREAKING NEWS

Maamulka Degmada Garowe iyo Shacabka Xaafada Horseed oo ka Wadahadlay Amaanka{Dhagayso}

ax-ka qabashada Amniga Xaafadaha Magaalada Garowe gaar ahaan Dhalinyaro waayadan waday Falal Amniga ka dhan ah Kuna hawlanaa dhaca ,Furashada Moobilada iyo arimo kale ayaa ka bilowday qaybaha ay ka kooban tahay sideeda Xaafadood Ee Garowe.

HALKAN KA DHAGAYSO

U kuur galka Xaalada Amaan iyo wax-ka qabashadeeda ayaa Lagu qabtay Xaafada Horseed, , Maamulka iyo Bulshada Xaafadaasi ayaa ka Warbixiyay sida Xiligan ay tahay Amniga Xaafada.

Maamulka ,Cuqaasha iyo Shacabka Xaafada Horseed ayaa Degmada iyo Laamaha Amaanka u soo jeediyeen Dhaliil la xiriirta ka gaabinta Wax-kaqabashada dhalinyarada furta Mobilada oo ay sheegaan Waqtiyadan danbe Maalin Cad in Wax La dhacayo ,Goobta shirka lagu qabtay Ma aysan Joogin Saraakiisha Amaanka , Mana aysan soo dirsan Wax Wakiil ah oo u Matala.

Malaaq khaliif oo ku hadlyay Shacabka Xaafada dagan Ee Ka soo Jeeda Gobolada Koofurta Somaliya ayaa isna ku baaqay in Laga wada shaqeeyo Amaanka Magaalada.

Xildhibaanada Golaha Deegaanka ayaa dhinacooda sheegay inay jirto Habacsanaan Xagga Amniga ah oo ku soo siyaaday qaybo ka mida Xaafadaha Magaalada Garowe.

Xog-hayaha Dawlada Hoose Degmada Garowe Maxamuud Cali Guray ayaa sheegay ka Degmo ahaan inay diyaar u yihiin La shaqaynta Maamulada Xaafadaha si wax Looga qabto Amaanka .

Shacabka Degan Xaafadaha Magaalada Garowe gaar ahaan Xaafadaha Waaberi,Hodan ,Hanti-Wadaag ayaa mudooyinkkii danbe aad oga Cabanayay Amni daro ku soo siyaadayay Magaalada sida dhaca Moobeelada oo dariiqyadii daku mariwaayeen.

Xaafada Horseed ayaa Maamulkooda iyo shacabka Lagu Amaanay Kaalinta ay ka qaateen Xoojinta Nabadgalyada ,waxaana la xusay in ay yihiin dad isku duuban oo iska qabta dadka wada Falalka ka dhan ah Amniga, Kulamadan Maamulku la yeelanayo shacabka Degan 8 Xaafadoda ayaa 15 bishan Lagu bilaabay Xaafada Hodan , iyadoo la sheegay inaysan ka soo qayb galin Laamaha Nabadglayada.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top