BREAKING NEWS

Taliye ku xigeenka ciidanka daraawiishta Puntland oo iska casilay xilka.

Taliye ku xigeenka Ciidanka daraawiishta Puntland Dayr Xaaji Cabdi ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas islamarkaana uu warqadda is casilaaddiisa u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

sida ay wararku sheegayaan Madaxweynaha Puntland Cadiwali Gaas ayaa warqadda is casilaadda ka qabtay Taliye Dayr hayeeshee ma uusan sheegin in uu ka aqbalay iyo in kale,waxaana la filayaa in uu dhawaan go’aan ka qaato is casilaadda Taliya ku xigeenka Daraawiishta Maamulka Puntland.

Taliye Dayr Xaaji ma uusan sheegin sababta uu isku casilay hayeeshee waxaa uu maalmihii la soo dhaafay warbaahinta ka sheegayay in mushaar la’aan ay heysato Ciidamada Daraawiishta Puntland gaar ahaan kuwa ku jira xerada 54aad halkaas oo ay Ciidamo badan ku suganyihiin.

Saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Xukuumadda ayaa dhowr jeer isku dhacay iyada oo ay sabab u ahayd mushaar la’aan darteed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top