Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixiyay Sarkaaal ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Ciidamo uu watey oo la sheegay in uu isku dhiibay iyo kuwo kale oo ay wadahadalo kula jiraan.
HALKAN KA DHAGAYSO
Afhaayeenka Maamulka koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa waxa uu sheegay in Sarkaalka isku dhiibay lagu Magacaabo Cadoow,isla markana uu watay Ciidamo aad u farabadan,laakin uusan faah faahin tirada Ciidamada u watay Sarkaalka.