BREAKING NEWS

Gudoomiye Jawaari oo Badda u Daray Farmaajo iyo Khayre+Beesha Caalamka Ganacanta Ku Galiyo Hogaanka Baarlamaanka

Waxaa Warbaahinta WIDHWIDH ONLINE Soo gaadhay In  Gudoomiye Jawaari uu  qoraal u diray UN -ka, AU, AMISOM, Deeq bixiyayaasha iyo dhamaan Safiiradda Beesha Caalamka, qoraalkaa oo ahaa in Cod bixinta Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka ka dhacdo Teendhaddii lagu doortay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, amaanka doorashadana gacanta ku qabtaan ciidamadda AMISOM.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku faahfaahiyey xaaladda ka taagan Baarlamaanka Federaalka iyo faragelin uu sheegay inay ku sameysay xukuumadda Soomaaliya oo ay kula wareegtay xaruntii Golaha sharci dejinta, kadib markii ay ka saartay ciidamadii ilaalada ka ahaa.

Qoraalka Guddoomiya Jawaari ayaa lagu caddeeyay inuu u hogaansamayo Mooshinka laga keenay, balse ay tahay in Dooda Mooshinka iyo codeynta ay ku dhacaan 10 maalmood gudahood iyo in lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Teendadhii lagu doortay madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiilada beesha caalamka, ammaankana ay sugayaan AMISOM.

Xildhibaannada Mooshinka ka wada Jawaari ayaa dadaal ugu jiray arrimo dhowr ah oo cadaadis lagu saarayey, waxayna hadda u muuqataa in dagaalka mooshinku sii socon doono.

Dagaalkan uu doonay in ku burburiyo Dowladda hada dhisan ee hogaaminayo MD Farmaajo ayaa u muuqta mid ay si toos ah beesha caalamku faraha la soo galeen iyaga doonay dalka Soomaliya uusan horumar samayn.

 

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top