BREAKING NEWS

Farmaajo oo Walwal ka qaba Mooshinka Jawaari inuu Kursigiisa ku waayo

Xog gaara oo ay heshay Widh Widh online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu walaac iyo cabsi xoogan ka muujinayo Mooshinka lagu doonayo inuu xilka ku waayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan Albaabada u xiran yihiin la yeeshay Xubno beeshiisa ah oo Dowlada ku jira, ayaa waxay kaga digeen Madaxweynaha inuu taageero Mooshinka Jawaari, iyagoo u sheegay hadii uu ogolaado inuu xilka waayo Guddoomiye Jawaari inuu isagana noqon doono ninka labaad ee Xukuumadda Kheyre ay xafiiska ka diri doonaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa arintaasi waxay ku abuurtay walwal, isagoo Xildhibaano uu la kulmay ku qanciyay inay taageero u muujiyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filan karaa in Madaxtooyada Soomaaliya ay taageero u muujiso Guddoomiyaha Golaha shacabka taasoo muujineysa inuu xilka sii heyn doono maadaama madaxweynaha uu taageero badan ka heysto Xildhibaanada Baarlamaanka

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top