BREAKING NEWS

Shaqsiga R/wasaare Kheyre u Qaabilsan inuu Lacagta u qeybiyo Xildhibaanada Mooshinka wada oo la Ogaaday

Todobaad ka hor markii uu soo if baxay khilaafka la xiriira maareynta Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa jira warar iyo eedeyn la xiriira ku lug lahaanshaha Xukuumadda ee khilaafka Golaha Shacabka iyada oo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka eed gaar ah u jeediyey Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhaliishii ugu cusleyd ee uu jeediyo Gudoomiyaha Golaha Shacabku waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamo dheeraad ah oo uu sheegay in uusan dalbanin Gudoomiyuhu La kordhigey xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, kordhinta ciidamaadaas aaya waxaa qirey Taliyaha CiidankaBooliska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa la hubiyey in ciidamada dheeraadka ah ee la geeyey Dhismaha Baarlamaanku aysan ahayn ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda balse ay yihiin ciidanka Boolista daraawiishta ee u howl gela sida milateriga.

Haddaba ka sokow in qaar kamid ah Xubanha Golaha Wasiirada kana tirsan Golaha Shacabku ay ka soo muuqdaan kullamada, Saxiixa iyo abaabulka Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhanka ah Mudane Jawaari, hddana waxa jira qaar kamid ah shaqaalaha gobolka Banaadir oo ku milmay Mooshinkaa.

Waxaa si weyn u qabsaday baraha Bulshada haddaladdii ay ka jeediyeen shirkii Maalinimadii Shalay oo Isniinta ahayd Wasiirrada Maaliyadda Mudane Xildh. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khajiido Maxamed Diiriye oo labaduba si weyn u dhaliiley Gudoomiyaha baarlamaanka sheegayna in loo baahnayahay in uu degdeg u baneeyo kursiga.

Sidoo kale Warbixintan ayaa muujineysa in qarashka qaar kamid ah kullamadda ka dhacay Hoteelada Muqdisho uu bixiyey Maamulka Gobolka Banaadir, Waxaana dhaqaalahaas maamuley Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirasaaq oo hore u ahaa caawiyaha Shakhsiga ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka hor inta aan xilkan loo magacaabin.

Cumar Cabdirisaaq Xuseen (Omaari) Xog-hayaha guud ee gobolka Banaadir, ahna lacag-hayaha Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre; ayaa kamid noqday shqaalaha dowladda ee ku milmay khilaafka ka dhexeeya hay’adaha Fulinta iyo xeer dejinta, waxa uu muddada khilaafku jiro ku mashquulsanaa bixinta laaluushka iyo lacagaha lagu socodsiinayo mooshinka xukuumaddu ka keentay guddoomiyaha golaha shacabka.

Lacagta uu Cumar Cabdirisaaq Xuseen ku bixinayo socodsiinta Mooshinkan waxa qayb ka ah dhaqaalaha gobolka Banaadir uu ka helo dekedda Muqdisho iyo canshuurta laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ku nool gobolka Banaadir.

Cumar Cabdirisaaq oo ay ahayd in uu waqtigiisa geliya horumarinta gobolka Banaadir ayaa hadda shaqadiisii rasmiga ahayd ee dowladdu ku magacowday waxa uu ka doortay abaabulidda xildhibaanada wada mooshinka, u yeeridda warbaahinta iyo bixinta lacag laaluush ah oo ay xukuumaddu ku maalgelineyso Mooshinka.

Cumar oo markii horaba kamid ahaa shaqaalaha xafiiska raisalwasaaraha ahaana xog-hayaha gaarka ah ee Raislwasaare Kheyre ayaa isaga oo haya shaqo weyn oo saameyn ku leh gobolka Banaadir (Civil servant) , waxa uu shaqadiisaas u dayacay sidii uu ugu dhowaan lahaa xafiiska raisalwasaaraha, isaga oo Warbaahinta iyo Xildhibaanada u qaybinaya lacag aan xad lahayn.

Haddaba qaar kamid ah waxgaradka, culumaa’udiinka iyo urruradda bulshada rayidka ah ayaa waxa ay ku baaqeen in arrintan lagu xaliyo sida uu qabo dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka JFS sidoo kale waxa ay ka digeen ka in loo isticmaalo dhaqaalaha dowladda dhexe iyo kan Gobolka Banaadir howlaha la xiriira mooshinada iyo khilaafaadka hay’addaha dastuuriga ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top