BREAKING NEWS

Xildhibaanadii hore “Maxay Ku Sifeeyeen Jawaari & Maxayse Kuwa Taliyeen (DAAWO VIDEO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku shiray qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaankii 9-aad ee iyagu qaarkood lagaga awood roonaaday doorashadii ka dhacday magaalooyinka Gobolada dalka Soomaaliya.

Xildhibaanadii hore ayaa dhamaantood waxay isku raaceen iney muhiim tahay inuu is casilo Jawaari intaan codka kalsoonida loo qaadin ee uusan fashilmin.

Xildhibaan hore Cabdi Qafaar oo ka hadlayay kulankii maanta ay yeesheen Xildhibaanadii Baarlamaanka 9-aad ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu Albaabada u xidhay Baarlamaankii 9-aad,dastuurkana uu ku tuntay.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci daro ah ku sameeyay madal,waxayna ugu baaqeen inuu is casilo intaan la qaawin ama maryaha laga dhigin.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top