Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Numbar 50,ayaa lagu eedeeyay dad shacabka ah oo deegaankaasi ku nool,waxaana u danbeysay haweeney 60-jir ahayd oo shalay lagu dilay gurigeeda oo ku yaalo deegaankaasi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Haweeneyda loo toogtay si bareer ah,waxaana falkaan ka badbaaday Wiil iyada ay dhashay oo la joogay guriga xilliga weerarka uu dhacayay.
Meydka Haweeneyda ayaa maanta la keenay Cisbitaal Madiina ee magaalada Muqdish,waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay qaar ka mid ah Ehaladeeda.
Nabadoon Axmed Maxamed Calasow Kaante oo ka mid ah Ehalada Marxuumadda la dilay ayaa sheegay in labo askari ay ka danbeeyaan dilka Haweeynda,kuwaasi oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Numbar 50,wuxuuna ku baaqay in cadaaladda la horkeeno.