Beesha Caalamka ayaa ka soo jawaabtay warqad codsi ah oo uu u diray Guddoomiyaha Mooshinka ka yaala ee Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.
Guddoomiye Jawaari ayaa laga aqbalay dalabka uu beesha Caalamka u diray ee ahaa in kulanka cod bixinta lagu qabto meel ka baxsan xarunta Gola
ha Shacabka asigoona farmuuqday Teendhaddii lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee loo yaqaano Marina Gate ama Afisyooni.
Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa laga aqbalay in goobta cod bixinta ka dhaceyso ay amaankeeda sugaan ciidanka nabad alaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM,goobjoogna ay ahaadaan Ururadda bulshada rayidka ah iyo Kormeerayaasha caalamka.
Guddoomiye Jawaari ayaa horey u sheegay in xarunta Golaha Shacabka lala wareegay,inkastoo arintaasi uu beeniyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.