BREAKING NEWS

Laamaha amniga Puntlan oo xeray Waaliddin iyo Dhalinyaro.{Dhagayso}

Ciidamada amniga maamulka Puntland ayaa howgal ay ka sameeyeen Magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi waxay ku soo qab qabteen dhalinyaro ay ku eedeeyeen in Magaalada Garowe ay ka geysteen Dhac, Kufsi, iyo Falal kale oo amni daro la xariiro.

HALKAN KA DHAGAYSO

Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangooli oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo qab qabteen dhalinyaradaasi, wuxuuna sidoo kale Taliyuhu uu tilmaamay in howgalkaan uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku soo qab qabanayeen dhalinyaradaan oo muddo dheer ay ku raad joogaan sida Taliyuhu uu tilmaamay.

Sidoo kale Gaashaanlaha ayaa ka warbixiyay Waalidiin ay xereen ciidamada amniga oo markii dambe lagu sii daayay DAMIIN, kuwaas oo lagu haystay caruur ay dhaleen oo lagu eedeeyay in ay Kufsadeen Gabar yar habeen ka haor.

Taliyaha ayaa dhankale ka hadlay Gabar yar oo habeen ka hor lagu Kufsaday Bartamaha Magaalada Garowe, wuxuuna Taliyaha uu sheegay in Gabadhaasi laga kaxeystay Gurigeeda, raggii kufsadayna ay ciidamada amniga Puntland ay gacanta ku soo dhigeen.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangooli ayaa Shacabka reer Garowe ka dalbaday in caruurtooda ay ka hor istaagaan falalka guracan ee ay ku dhacaan mararka qaar, haddii ay ka cilin waayaane ay xeri doonaan waalidkii soo daba kaca marka cunigiisa laxero.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top