BREAKING NEWS

Madaxweynayaal Afrikaan ah oo Dowlada Soomaaliya Casuumad u Kala Dirtay (Waa Kuwee)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb gashay shirkaasi.

Ahmed Issa Awad ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana.

Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda Mr. Paul Kagame, Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, Djibouti Ismail Omar Guelleh, Sudan Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’isul wasaaraha Boqortooyada Morocco Mr. Saadeddine Othmani.

Wasiirka ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo, isaga oo uga sheekeeyay horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle.

Inkastoo dowladu ay casuumadan gaarsiisay madaxdan haddana weli ma cadda iney aqbaleen iyo in kale, sidoo kale dowladu ma faahfaahinin sababta ka dambeysa casuumada madaxda afrikaanka ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top