BREAKING NEWS

Qarax Xoogan Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow ka dhacay vqeybo ka mid ah wadada maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan oo daryankiisa laga maqlay meelo badan ayaa wararka ugu horeeya waxay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka hotelka Wehliye oo ku yaalla inta u dhexeysa labada isgoys ee Dabka iyo Sayidka.

Sida warku nagu soo gaarayo qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana circa isku shareeray uuro madow iyo qaac ka dhashay qaraxan oo aad u xoog badnaa.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa xirantay qaraxa ka dib, ciidamada amaanka ayaana xiray goobta ay wax ka dhaceen, gaadiidka ambalaasta ayaana u sii kala cararaya goobta si ay uga soo qaadaan dadka dhaawacmay.

Wixii ka soo kordha kala qaraxan kala soco wararkeena ugu horeeya Insha Allaah

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top