BREAKING NEWS

Taliye Gorod ” Dagaalkii Shalay ee Tarbuunka & Taliyihii Ugu Sareeray Ciidamada Imaaraadka oo Lagu Dilay Halkaas

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas, Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod oo ka hadlay dagaal shalay ku dhex maray magaalada Muqdisho ciidamo ka wada tirsan dowlada.

General Gorod oo ay wareysatay laanta afka soomaaliga ee Voa ayaa ku tilmaamay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho inuu ahaa dagaal ay ciidamo isku qaldameen.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo ay u taliyaan dowlada imaaraadka carabta balse ay yihiin oo kaliya ciidamo ay tababareen Imaaraadka Carabta.

“Ciidamada lagu soo tababaray Imaaraadka waa ciidamo amarka ka qaata dowlada mana aha ciidamo aan ka tirsanayn ciidamada xoogga dalka.”ayuu yiri general Gorod.

“Hubka iyo dareeska ay xiran yihiin ciidamada waa kuwa xoogga dalka mana ah kuwo hoos taga Imaaraadka Carabta.”ayuu sii raaciyay.

Hase yeeshee taliyaha ayaa qirey in weli ciidamada Imaaraadka ay yihiin kuwo ku sugan xeradii lagu tababaray.

Dagaal saaka dhex maray ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo ciidamada lagu soo tababaray dalka Imaaraadka ayaa waxaa ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca warar xogagaal ah oo warbaahinta WidhWidh Online ka helayso dagaalkaas ayaa sheegay in sarkaalkii ugu sareeyay Ciidamada ay tababaraan Imaaraadka lagu dilay dagaalkaas oo xalay tacsi u hayd ciidamada ku sugan xerrada Imaaraadka.

Ciidamada Imaaraadka ay tababarka ku siiyaan halkaas ayaa ah 1500 oo joogta ah iyo 300 tababar u ah ciidamada Dowladda. 1500 askari ayaa loo haystaa difaaca arimaha imaaraadka oo doonaya inuu burburiyo cidkasta oo ka hortimaada arimihiisa. Waxuu dhistay meesha ugu qaalisan dalka ee ah badda xigta.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top