Gudoomiyha Xisbiga Cadaalada Hormarinta Dibuquraadiyada iyo Isqadarinta ee Cahdi Pro.Cabdiraxmaan Cabdi Qani Ibraahim oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka hadlay Mooshinka laga keenay Gudoomiyha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shikh Cismaan Jawaari.
HALKAN KA DHAGAYSO
Gudoomiyha ayaa sheegay in Mooshinka uu yahay mid ay keeni karaan Xildhibaanada balse hananka loo soo maray Mooshinkaani uusan aheyn mid wanaagsan.
Pr Cabdiraxmaan ayaa Tilmaamay in Dowladda Imaraadka Carabta ay ku lug leedahay xaalada Siyaasadeed ee Dalka ka jirta,balse loo baahanyahay in halmeel looga soo jeesto sidii looga shaqeen lahaa Miidnimadda Dalka.
Gudoomiyiyaha Xisbiga Cadaalada Hormarinta Dibuquraadiyada iyo Isqadarinta ee Cahdi Pro.Cabdiraxmaan Cabdi Qani Ibraahim ayaa dhinaca kale ka Dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka hadlo arintaan islamarkaana Raysilwasaraha uu joojiyo Awooda uu adeegsanayo.