BREAKING NEWS

Yaa u Saxeeyay Soomaaliya Sharciga Halista Ah ee Shirka Madaxda Afrika ee Ka dhacay Kigali (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia Amb. Ahmed Issa Awad ayaa ka qeybgalay shir madaxeedka tobnaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, isagoo matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) oo howlo qaran awgii uga baaqsaday ka qeybgalka shir madaxeedkaasi.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa shir madaxeedka ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso horumar dhaqaalle oo dalalka Afrika ay ku naaloodaan, isagoo xusay in dadyowga qaaradda ay u riyaaqi doonaan ka guul keenidda kobaca iyo barwaaqada loo madal dhigayo jiilalka soo socda.

Danjire Axmed Cawad ayaa muujiyay heshiisyada seddexda ah ee Madaxda Afrika ay saxiixeen maanta muhiimadda ay u leedahay ee ah dhowridda madax bannaanida, xoojinta wadajirka iyo sare u qaadida karaamada ummadda, waxaanu yiri “Soomaaliya waxa ay codkeeda ku biirinaysaa taageeridda heshiiskan taariikhiga ah iyo kordhinta isdhexgalka ganacsi ee wadamada Afrika si isbadal loogu sameeyo dhaqaallaha qaaraddeena iyada oo la soo banbixinayo waddooyin cusub si loo ballaariyo ganacsiga iyo maalgeshiga noo dhexeeya.

“Haa, waxaa jira howl badan oo nalooga baahan yahay inaan qabanno, ha yeeshee maanta waxaanu direynaa farriin qaaradeed culus si aan uga talinno aayaha mustaqbalkeena ee xoojinaya geediga Afrika ee ku suntan barwaaqada”. ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Cawad oo ka wakiil ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saxiixay seddex heshiis oo kala ah, Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [African Continental Free Trade Area], Baaqa Kigali [Kigali Declaration] iyo Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka [Protocol on Free Movement of Persons].

Wufuudda 54 dowladood oo Afrikaan ah oo shir madaxeedka ka qeybgashay ayaa saxiixay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [African Continental Free Trade Area] illaa iyo 44 dal, sidoo kale 43 dal waxa ay saxiixeen Baaqa Kigali [Kigali Declaration] , halka 27 dal ay saxiixeen Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka [Protocol on Free Movement of Persons].

Dhammaan wadamada bariga Afrika waxa ay saxiixeen seddexdaasi hindise marka laga reebo Burundi oo aan shir madaxeedka ka qeybgelin.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ee is dhaafsanayay saxiixyada ayaa dhammaantooda wada qiray in saxiix ku duugidda hindisaha Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika [AfCFTA] uu ka dhigan yahay tallaabo weyn oo la qaaday tan iyo markii la aasaasay Ururka Midowga Afrika.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay aagga ganacsiga xorta ah ayaa ah abuuridda suuq oo xor ah, kaasi oo dhiirigelin doona warshadeynta, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo ganacsiga oo isaga kala gudba dhammaan gudaha iyo daafaha qaaradda oo ay ku noolyihiin dad dhan 1.2 billion.

blank blank blank blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top