BREAKING NEWS

Gaadhi Hillib Dadeed Sida oo Lagu Qabtay Xaafad ka Mid Ah Muqdisho

Ilo Xog Ogaal aha ayaa Usheegay Radio WidhWidh Online In Ciidamada Booliska ay Gacanta ku dhigeen Gaari iyo Mooto Bajaaj Hilib Qurmay/Uraya Ku rarnaa.

Ciidamada ayaa Gaariga iyo bajaajta ku qabtay Degmada Kaaraan Caawa oo hadda baaritaan lagu hayo waxa uu ahaa Hilibkaasi ay wadeen.

Saldhiga Degmada C/casiis ayaa waxa hadda lagu hayaa,raggii waday Gaariga iyo Bajaajta oo lagu xiray,waxaana loo maleenayaa Hilibka ay sideen Gaadiidkaasi mid dadeed.

Laamaha Amniga weli faah faahin kama aysan bixin Arintaan oo aad loo hadal hayo C/casiis iyo Kaaraan.

Warbaahinta WidhWidh Online ayaa isku dayday inay Xiriir la sameyso Maamulka Degmada C/casiis oo Hadda baarista ku haya Ragga iyo gaadiidka Hilibkaasi Qurmay ay ku rarnaayeen,balse inooma suurta gelin inaan la hadalno Mas’uuliyiinta Degmadaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top