BREAKING NEWS

Maxaa Ka Soo Yeedhay Labada Wasiir ee Imaaraadka Iyo Sucuudiga Qaybta Ka Ah Qaska Soomaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muujisay cambaareyn xooggan oo ku aadan qaraxii ka dhacay ka soo horjeedka Hotelka Wehliye ee ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Ismiidaamiye ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, wuxuuna Sacuudigu sheegay inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareysay qaraxan, wuxuuna Imaaraadka dadkii dhintay Alle uga baryay inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, isaga oo caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top