BREAKING NEWS

MD Farmaajo Oo Ammar Ku Bixiyey In La Qoro Kumanaan Ciidan Dhar Cad Ah (XOG HOOSE)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ammar degdeg ah wuxuu ku bixiyey in la qoro kumanaan ciidamada dhar cadda ah oo amniga dalka ka qeybqaata.

Sarkaal ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha ammarkaan uu bixiyey xalay saq dhexe, kadib markii uu u arkay in ciidamadaasi yihiin kuwa kaliya ee ammaanka sugi kara.

Ciidankaan oo shacabka u eg ayaa bulshada dhex galaya, waxaana ay keenayaan macluumaad badan oo amniga quseeya.

Ciidamadan ayaa laga kala qori doonan qeybaha kala duwan ee bulshada sida ardayda, ganacsatada, haweenka, dadka muruq maalka ah iyo kuwo kale. Dowlad walbo waxaa ay ku tiirsan tahay ciidamada dharka cad ee amniga suga, mid walbana ma yaqaano midka kale.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top