BREAKING NEWS

Saraakiil Sare iyo Ciidamo Xasilinta ee Fududeeyay Qarxii Shalay oo Jeelka Lagu Guray

Warar hadda soo gaaray WidhWidh Online ayaa waxay sheegayaan in ammar kasoo baxay wasaaradda amniga DFS lagu xiray saraakiil iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho.

Xubnahan oo aan magacyadooda helin ayaa lasoo sheegayaa in lagu haysto arrin la xiriirta qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda lagu xiray xarunta CID ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiinayo.

Dhinaca kale waxaa la soo sheegayaa in afar dowladood ay qayb wayn ka yihiin qaska caadimada muqdisho. Waxaa hogaaminaya dowladda sucuudiga, Imaaraadka,Itoobiya,Kenya oo intaba dano gaar ah ka leh dalka Soomaliya.

Dowladda dhexe ee Soomaliya ayaa maanta uun ku baraarugtay inaysan lahayn ciidamo sirdoon ah wahaba yaraateen. Halka dowlahadaas ay u joogaan gudaha Somaliya xataa ka ku jireen dowladda dhexe Soomaliya iyaga dhaxal ka dhigtay lacag yar oo la siiyi.


La soco wixii soo kordha
.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top