Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxa ay Xaruntooda Muqdisho ku leeyihiin kulan ay uga hadli doonaan kiiska weerarkii hoyga Sanoter Cabdi Xaasn Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare.
Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Xubnaha Aqalka Sare ay Maanta sameyn doonaan gudi soo baara kiiskaas,maadaama gudigii hore ay u magacaawday Madaxtooyada Soomaaliya uu Sanoter Cabdi Qeybdiid kasoonidarro ka muujiyey.