BREAKING NEWS

Baabuuro Kala Duwan oo Qaraxyo Wadda Soo Galay Muqdisho

Warar hoose oo soo gaadhay warbaahinta ayaa waxay sheegayaan in magaalada Muqdisho ay soo galeen gaadiid xambaarsan walxaha qarxa, kuwaasi oo gudaha magaalada ku jira.

Ilo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in magaalada ay xalay soo galeen Labo gaari oo qaraxyo Xambaarsan, waxaana ay ku dhex dhuumaaleysanayaan meello kamid ah degmooyinka dhinacyada ka saaran wadada Makka Al-mukarrama.

Gaadiidkan ayaa kala ah Kaarib Buluug ah iyo sidoo kale SURF madow ah, balse tarikooyinkooda ma aanu helin.

Ciidamada ammaanka oo xogtan sidoo kale lagu wargeliyey ayaa wada howlgallo, iyaga oo hegan buuxa ku jira, waxaana ay magaalada kasoo galeen dhanka ex-control Balcad

Dowladda Farmaajo ayaan lahayn wax sirdoon ah ama dharcad oo dowladda u shaqeeya, waana tan ay dhabarka uga jabtay dowladda uu hogaaminayo Farmaajo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top