BREAKING NEWS

Gaas Oo Doonaya In Uu Kursiga Ku Sii Joogo Dhiiga Reer Tukaraq Oo la Daadiyo.

Hogaamiyaha maamulka puntland C/wli gaas oo tan iyo markii maamulka puntland loo gacan galiyay ay hadheesay fashil siyasadeed oo soo wajahay maamulka uu hogaamiyo ayaa haatan hungiri kaga jira in uu mar labaad ku soo laabto kursiga,

Gaas oo hada haysta dhaqaalo aad u badan oo u ka qaatay shirkadda DP World ayaa damaciisu yahay in uu sameeyo qorshe uu ku soo laabto mar labaad kursiga madaxweyne nimo ee puntland.

C/wali gaas oo dareensan in uu dhex taagan yahay mowjado fashil ah ayaa laba qorrshe aawadood doonaaya in uu kursiiga ku sii joogo.

Qorshn koobaad ayaa ah in uu adeegsado lacagta u ka qaatay DP world.halka qorshan labaadna yahay in uu rido dagaal ka dhaca tukaraq islamarklaana uu samaysto mudo kordhin labo sano ah si uu xaalad dagaal u galiyo deegaankaasi isagoo dantiisa gaarka ah u arkaaya dagaalkaasi balse aan dan u hayn shacabka puntland iyo kuwa reer ssc.

Gaas oo labada qorsheba ka duulaya ayaa deegaanka turkaraq iyo deegaano u dhow hada usoo diray xubno calooshood u shaqaysta yaal ah oo maamulkaasi ku jira kana soo jeeda deegaanka ssc si ay u bilaaban dhaqdhaqaaq siyasadeed islamarkaana loo rido dagaal loogu mudo dheereenaayo c/wali gaas kursiga.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top