BREAKING NEWS

Maxkamada CQS oo dhageysatay dacwad loo heysto 3-eedeysano oo Qorshe halis lagu helay{sawiro}

Maxkamada Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27.aad ee gobolka Hiiraan ayaa Maanta dhageystay,iyada oo kaashaneysa Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka saddex rag ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Saddexda eedeysane oo lagu kala Magacaabo Cabdullaahi Suldaan oo 22 Jir ah Shariif Xasan Gacal oo 32 jir ah iyo Cabdi Naasir Maxamuud Sheekh Maxamed oo 34 jir ah,kuwaas oo dhamaantood lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ee gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay dambiyada loo heysto ragaas.

Cabdi Naasir Maxamuud Sheekh Maxamed ayaa lagu soo qabtay kadib howlgal laga sameeyey degmada Afgooye,isaga oo loo heysto in uu masuul ka ahaa Gaari qaraxyo siday oo lagu qabtay Puntland,isaga oo xiriir la’lahaa Kooxda Daacish.blankblank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top