BREAKING NEWS

Sheekh Cali Dheere Iyo Hogaamiye Fu’aad Shongole Isku Hanjabay

Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheera ayaa hanjabaad u diray saraakiil ka tirsan ururka, kuwaasi oo la sheegay in ay qorsheynayeen in dhanka DFS ku biiraan.

Waxay qadka taleefanka uu kala hadlay Cali Dheere, Fu’aad Shongole iyo xubno kale oo u sheegay in haddii waxa la sheegayo sax noqdaan aanay nabad ugu tagi doonin dhanka DFS.

Shongole ayaa u sheegay Cali Dheere inaanu wax baqdin ah qabin, islamarkaana isaga uu yahay sarkaal isaga ka sareeya marka loo eego darajooyinka Al-shabaab.

Nux-nux hoose ayaa jirtay, tasi oo ah in Maleeshiyada Al-shabaab doonayaan qaarkood in dhanka DFS ku biiraan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top