BREAKING NEWS

Banaan Bax Xoogan oo Ka Dhacay Isgayska Sayidka Ka Hor Qaraxa (DAAWO)

Banaan bax ay soo abaabuleen Dhalinyarada Muqdisho loogana soo horjeeday dhul boobka dowlada Kenya ka wado Xuduuda Degmada Balad Xaawo ayaa ka dhacay Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Banaan baxa ayaa dhacay wax yar un kahor inta uusan qarax xoogan ka dhicin isgooska Sayidka, lamana oga xiliga qaraxu dhacayay in goobtaasi ku sugnaayeen dadkii banaan baxa ka qeyb qaadanayay.

Wariye katirsan Warbaahinta oo marayay Isgooska Sayidka inta uusan qaraxu dhicin ayaa kasoo qaaday Sawirada idin muuqda, xaalada ayaana xiligaasi aheyd mid caadi ah oon wax dhibaato ah halkaasi ka jirin.

Qaraxa xoogan ee ka dhacay Isgooska Sayidka ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale goobtaasi ka dhacay bur bur xoogan oo soo gaaray dhismayaal ku dhaw Isgooska Sayidka
blank

blank

blank

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top