BREAKING NEWS

Guddoomiye Jawaari oo Maciin Biday AMISOM & Isaga oo Ku Cararay Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee uu mooshinka ka yaallo Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyeen Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaano ayaa maanta Xerada Xalane kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladii ka dhalatay mooshinka laga keenay, ciidamadii la wareegay xarunta Baarlamanaka iyo howlaha sugida amniga Xarunta.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari ka dalbaday AMISOM ammaanka xarunta Baarlamaanka, iyadoo la filayo in la guda galo ka doodista mooshinka ka yaallo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda AMISOM ay aqbaleen inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Xarunta Golaha shacabka, iyadoo AMISOM waajibaadkeeda qeyb ka yahay amniga Guddoomiye Jawaari.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo dheeraad ah oo ka socday AMISOM la geeyay xarunta, kaddib markii uu soo baxay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex bilowday Golaha shacabka, iyadoo ciidamadii xarunta ilaalinayay ee ka tirsanaa Booliska, lagu bedelay ciidamo kale oo iyana Boolis ah.

blank

blank

blank 

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top