BREAKING NEWS

Itoobiya oo Dhulkii Hore ku Darsatay Mid Cusub & Magaalo Ku Taala G/Bakool.

Maxamed Iidle Geedi oo ah Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya Islamarkaana la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan uu gaaray deegaano hoosyimaada Gobolada dhaca Xadduuda dalka uu la wadaago Itoobiya isla markaana halkaas uu ku soo arkay magaalo weyn oo ay la wareegtay Dowladda Itoobiya.

Maxamed Iidle Geedi ayaa tilmaamay in Degmada Aato oo ka tirsan Gobolka Bakool ay goosatay Dowlada Itoobiya oo maamusha isla markaana uu ka taagan yahay Calanka dowlada Itoobiya.

Xildhibaan Geedi ayaa sheegay in magaaladaasi gobalka Bakool looga yaqaano Aato Itoobiya balse ay tahay magaalo weyn ku taala dhulka Soomaaliya kana mid ah 6-da degmo ee Gobalka Bakool, sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka dhisatay Saldhig Booliis, MCH “Xarun Caafimaad” Iskuulo Dowladda Leedahay, iyo Xarumo kale.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in magaaladaasi ay ku nool Muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah Soomaalidana ay marti ku tahay magaalada.

Xildhibaanka hore waxa uu tilmaamay in Dowladaha Itoobiya iyo Kenaya ay si qaawan ugu soo duuleen Dhulka Soomaaliyeed.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top