BREAKING NEWS

Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Isgoyska Sayid & Dagaal Daba Socda

Qarax xooggan oo ay dabasocotay rasaas iyana xooggan ayaa waxaa abaarihii afarta galabnimo uu ka dhacay bar kontrol oo ay fadhiyeen ciidanka dowladda kaas oo ku yaal nawaaxiga Siyidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo laga maqlay inta badan magaalada ayaa waxaa sida ay wararku sheegayaan uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo taagnaa bar kontrol oo gawaarida lagu baaro, waxaana goobtaasi ka agdhow guriga Umadda iyo madaxtooyada qaranka.

Wararka horudhaca ah waxa ay sheegeyaan in ay ilaa iyo iminka qaraxaasi ku dhinteen afar ruux, tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wali ma cadda cidda ka dambeysa amaba ujeedka qaraxaasi, waxaana uu imaanayaa xilli isla wadadaasi uu ka dhacay qarax noocaan oo kale ah maalmo ka hor.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top