BREAKING NEWS

Agaasimaha Koofi oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Abuu Dhabi (DAAWO SAWIRO)

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi oo maalmahaan safar shaqo ku marayey wadamo ka tirsan dalalka Khaliijja ayaa booqdey safaaradda Soomaaliya ee ay ku leedahey dalka Imaaratka UAE magaalada Abuu Dhabi, wuxuuna kulan la qaatey siihayaha safaaradda mudane Axmed Daahir Maxamed (Axmed Global) iyo dublamaasiyiinta kale ee safaaradda.

Kulanka agaasimaha iyo siihayaha safaaradda ayaa looga hadley ilaalinta sharuucda iyo habraaacyada bixinta Basaboorka iyo Dal-ku galka (visa).

Sido kale wuxuuna agaasimuhu Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jnsiyadda Soomaaliya intii uu safaaradda joogay la kulmay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka UAE oo caqabado ay ka heysteen helidda baasaboorka.

Wuxuuna u sheegay iney dadaal ku bixinayaan sidii ay si fudud oo dhib yar ugu heli lahaayeen Baasaboorka,sidoo kale,Agaasime Kofi ayaa ku amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abuu Dhabi wada shaqeynta kala dhaxeyso.
blank

blank

blank

blank

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top