Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan oo ku laabtay magaalada kismaayo ka dib markii uu ka soo labtay dalka dibadiisa uu ugu maqnaa howlo shaqo ayaa si adag uga hadlay arinta ku saabsan darbiga ay dowlada Kenya ka dhisayo xuduudka labada dal gaar ahaan degmada beled xaawo.
Maxamuud sayid adaan ayaa sheegay in ay dowladda Kenya kala hadleen in ay joojiso dhismaha ay ka wadaan badhtamaha magaalada sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenku.