Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Sirdoonka Puntland, ayaa lagu toogtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari xili magaalada bosaaso ay dhanka amaanka soo yara hagaagaysay
Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, kadib markii dabley hubaysan qaybaha sare ee jirka ay ka toogteen Shiine Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland.
Sarkaalka la dilay ayaa la shaqeynaayay ciidanka Sirdoonka Puntland, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegtay Al Shabaab oo dilal qorsheysan ka gaysato Magaalada Boosaaso iyo deeganada Puntland.
Wararka waxa ay sheegayaan dableydii hubaysnaa ee dilka gaysatay inay ka baxsadeen goobta, balse xilli dambe ayaa goobta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.