BREAKING NEWS

Gudoomiye Jawaari oo Ganafka Ku Dhuftay Hadal Ka Soo Yeedhay Khayre & Dagaalkii oo Cirka Isku Shareeyay (DAAWO VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale ku celiyay inuusan iscasileyn kana tageyn jagada ilaa cod looga qaado mooshinka ka yaala Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay ineysan u muuqan baahi hadda taagan oo ku kalifeysa inuu is casilo,islamarkaana u baahan yihin dalka iyo dadka Sooomaaliyeed,sidaasi daraateedna uu ku kalsoon yahay inuu sugo maalinta ay noqotaba cod u qaadista mooshinkiisa,wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ku qanacsan yahay Natiijada markaasi soo baxda.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka wada Jawaari oo si hoose ula kulmay ayuu u cadeeyay inuusan marnaba qaadeyn talaabada ah inuu Xafiiska ka tago,iyadoo aysan jirin baahi hadda ku qasbeysa inuu ka tago,isagoona u balan qaaday in doorashada si xor ah u dhici doonto.

Guddoomiye Jawaari ayaa diiday waan waan laga dhex waday isaga iyo Ra’iisal wasaaraha oo khilaafka uu soo kala dhexgalay,wuxuuna ku adkeysatay in mooshinka la horgeeyo Baarlamaanka lana soo dedejiyo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top