BREAKING NEWS

Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Murutaaniya (DAAWO SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loo soo magacabay Soomaaliya Mudane Wadaadi Walad Sayid.

Mudane Farmaajo ayaa waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Danjire Wadaadi, waxaana Danjiraha uu Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis.

Waxaa intaasi uu ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane Maxamed Walad Cabdicasiis iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xiriirkan uu asaas u noqdo iskaashi buuxa oo dhexmara labada Dal, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xiriir iskaashi.

blank

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top