BREAKING NEWS

Maxaa Ka Jira In Dakadda Muqdisho lagu Qabtay Kunteenar Qamri

Ciidanka dowladda ee ku sugan Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen Kunteenar ay ka buuxaan Qamri, kadib markii Baaris lagu sameeyay.

Qamrigaan ayaa waxaa laga soo dajiyay Dakadda Magaalada Muqdisho, waxaana xilliga la qabanaayay la saaraayay gaari u soo waday Magaalada gudaheeda.

Ciidamada ku sugan Dakadda Muqdisho ee Koontaroolka ku sameeya qalabka kala duwan ee ka soo dakadda, ayaa ku guulaystay soo gudbinta macluumaadka la xiriira Kunteenarka Qamriga uu ka buuxay.

Saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ka hawlgala Dakadda Muqdisho, ayaa amray in Khamrigaan aanan laga bixin Karin Dakadda, waxaana lagu wadaa in Saxaafadda loo soo bandhigo.

Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa dhawr mar sidaan oo kale waxaa loogu qabtay khamri kala duwan oo ganacsato ay kala soo dageen Dakadda, kuwaasi oo rabay in Magaalada gudaheeda ay soo galiyaan.

Khamriga ayaa si caadi ah loogu iibiyo meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxaa si aan gambad laheyn loogu cabaa Hoteelada Magaalada, gaar ahaan kuwa ku dhaw Xeebta Liido.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top