BREAKING NEWS

MD Waqooyiga Kuuriya oo si Qarsoodi ah Safar Dhulka ugu galay Shiinaha

Madaxweynaha Dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa la sheegayaa in uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Dalka China,halkaas oo uu kulan kula leeyahay Madaxda Dalka China.

Warbaahinta Dalalka Japan iyo Koofurta Kuuriya ayaa sheegaya in Kim Jong-un uu safar dhinaca dhulka ah oo Tareen ah uu ku tagay Dalka China.

Dadka deggan Magaalada Dandong ee Sohdinta China ayaa sheegay in Tareen midabada Cagaarka iyo Hurdiga ah uu maray Magaalada kaas oo u gudbay gudaha Dalka China.

Tareenkaas waa kii uu adeegsan jiray aabbihii markii uu ahaa Madaxweynaha dalka ay inta badan dunida go’doomisay ee waqooyiga Kuuriya.

Booqashada Kim Jong-un ee dalka China ayaa la sheegayaa in ay salka ku heyso kulamo uu halkaas kula qaadanayo madax ka mid ah Mareykanka,koofurta Kuuriya iyo China lafteeda.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daadiyay xaafadda la filayo in uu ka dhoco kulanka,waxaana halkaas sidoo kale la xiray waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda China,dadka dalkaas u dhashay iyo dalxiisayaasha ayaa laga saaray degaankaas,tanina waxaa ay dhacdaa marka kulan muhiim ah uu jiro sidan oo kale.

Booqashada Kim Jong-un waa markiisii ugu horreysay tan iyo markii uu xilkaas qabtay sanadkii 2011kii ee uu aabbihii oo geeriyooday kala wareegay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top